Hawlaha MLL ee Qoysaska

MLL wuxuu soo dhaweynayaa adiga iyo qoyskaaga inaad ku biirtaan hawlahayaga!

Ururka badbaadada carruurta ee Mannerheim waa urur kaalmeeya isla markaasna garab siiya qoysaska marka ay xaalado kala duduwan ku jiraan. Waxaan bixinaa barnaamijyo xiiso leh adiga iyo ilmahaaga, iyo sidoo kale fursado aad kula xiriirto qoysaska kale. Waxaad kaalmo ka heli kartaa waalidiinta kale iyo wadahadallo toos ah si shakhsi ah iyo kuwo internetkaba leh.

Boggan, waxaan ku soo uruurinay macluumaad ku saabsan waxqabadkeena qoysaska, oo ay weheliso xiriirrada adeegyada kale ee la xiriira.

Nala soo xiriir si dhiiranaan ku jirto – keligaa ma ihid.

Ururka badbaadada carruurta ee Mannerheim

Ururka badbaadada caruurta gobalka Koofulgalbeed-Finland ee (MLL) waa urur aan faa’iido-doon ahayn oo siyaasad iyo diin ahaanba madaxbanaan, kaas oo dhammaan qoysaska si diirran u soo dhoweynayo in ay ku biiraan.  Hadafkeenu waa sameynta dalka Finland oo ah dal saaxib la ah caruurta ,taas oo cunug walba iyo qof kasta oo da’yar ah ay fursad u helaan nolol wanaagsan oo nabad ah. Hawlaheenna wax qabadkeena waxay ay soo jireen muddo ka badan 100 sano, MLL-na waxay door muhiim ah ka qaadatay horumarinta xarumaha caafimaadka hooyada iyo dhalaanka iyo sidoo kale xirmooyinka hooyada.

Waxaan u fidinaa carruurta, waalidiinta, iyo qoysaska fursado badan oo xiriir la leh, taageero, iyo waxqabadyo asaasi ah – goobahena iyo internetka labadaba. Ka baro hawlahayaga iyo inaad heshid hab aad kaga qayb qaadato oo ku haboon xaaladaada nololeed. Nala soo xiriir haddii aad raadinayso waxyaabo xiiso leh oo aad la samayso cunuggaaga ,ama u baahatid taageerada asaaga ah, ama aad doonayso in aad la sheekeysato qof aad ku kalsoonaan karto.



Baraha bulshada iyo Adeegyada Online


Shaqada iskaa wax u qabsada ah

MLL-  waxaan ka hawlgalnaa shaqo mutadawacnimo ah si aan u taageerno carruurnimo farxad leh, dhallinyaro ammaan ah, iyo qoysaska carruurta leh caafimaad ahaantooda. Waxaan bixinaa fursado kala duwan oo iskaa wax u qabso, qof kasta oo daneynaya wanaagga carruurta, dhalinyarada iyo qoysaska waa la soo dhaweynayaa inuu ku biiro. Waxaan bixinaa tababaro dhameystiran oo ku saabsan dhamaan doorarka iskaa wax u qabso.

Waxaad adigu ikhtiyaar u tahay:

  • Inaad saaxiib la noqoto ilmo ama qof da’yar
  • Taageerada qoyska hagaha qoyska
  • Saaxiib la noqo hooyo u soo guurtay Finland
  • Abaabul hawlo urureed ka mid ah urur
  • Hogaamiyaha kafeteriyeedka qoyska
  • Caawimaadda mutadawacnimada ah ee kafeteriyooyinka ama munaasabadda qoyska
  • Iskaa wax u qabso oo ah MLL-ayeeyo ama -awoowe
  • Ku biir sida mutadawacnimo deriska